Blog Details

HomeGeneralDad guuleysta waxay leeyihiin maktabado..

Dad guuleysta waxay leeyihiin maktabado..

Dad guuleysta waxay leeyihiin maktabado..

Dad guuleysta waxay leeyihiin maktabado, inta kale waxay leeyihiin shaashado waaweyn oo TV ah.

Waxaa muhiim ah in aan isweydiinno: Waa maxay waxa aan waqtigeena ugu badan ku bixinnaa?

Maanta dhalinyaradeenna badankood waxay maalintooda ku waayaan daawashada ciyaaraha kubadda cagta, tiknoolojiyadda aan faa’iido lahayn, iyo mobillada oo ay waqtiga ku lumiyaan iyadoo aan wax horumar ah laga faa’iideysan. TV-ga iyo ciyaaraha sport-ka ma xuma haddii si nidaamsan loo daawado, balse marka ay noqdaan wax kugu qasba inaad iska iloowdo waxbarashadaada, hadafkaaga, iyo horumarkaaga, waxay noqdaan cadowgaaga ugu weyn.

📱 Mobillada, gaar ahaan baraha bulshada iyo ciyaaraha ciyaaraha, waxay noqdeen qalab si xun u maamulaya maskaxda dhalinyarada. Saacadaha maalintii oo dhan lagu qaato daawashada ciyaaraha ama raacitaanka kooxaha kubadda cagta waa waqti aad kaga lumin karto nolol dhan.

🎯 Guushu waxay timaadaa marka aad barato, akhrido, fikirto, shaqeyso oo aad wakhtigaaga si xeel dheer u maamusho. Qof walba oo nolosha wax ka beddelay, wuxuu lahaa caadooyin wanaagsan: wakhti akhris, qorshe nololeed, iyo xaddidid madadaalada aan micnaha lahayn.

💡 Waqtigaaga qiimee. Ma jiro wax ka qaalisan waqtiga. Maktabadda buugaagtaada ha ka muhiimsanaato shaashada TV-ga. Hadaf yeelo, cilmi kororso, hana noqon qof uu ciyaar iyo muuqaal daawan u celiyo nolol dhan.

Maanta dooro adigu: in lagu xusuusto inaad ahayd taageere koox kubad ama inaad noqotay qof magac ku yeeshay nolosha.

✍️ DrAbdallahGutale

About Author

Dr. Abdallah Gutale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *